Faah-faahinno kasoo baxaya Dagaallo ka dhacay Shabeelaha dhexe.

0

Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed oo ay kaabayaan Ciidamada Midowga afrika ee AMISOM ayaa Maanta Weerar Culus ku qaaday Deegaanka Mir-tuuge ee Gobalaka Shabbeelada Dhexe halkaas oo ay ku sugnaayeen Dagaalamadayaasha Al-shabaab.

Ciidamada Militariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo Saaka ka Ruqaansaday Deegaanka Biya-Cade ayaa Wareer ku Bilowday Hubka Culiska ku qaaday Deegaanka Mir-tuuge oo ka mid ah Deegaanada Al-shabaab ay kaga harsan yihiin Gobalka Shabbeelada Dhexe kaasi oo dhaliyey Qasaaro Dhimasho iyo Dhaawaca.

Dib markii Dagaalku uu Mudo Saacado ah uu socday ayaa Ciidamada Xooga Dalka Somaaliyeed iyo AMISOM wax ay dib ugu soo laabteen Fariisimadii ay ku la haayeen Deegaanka Biya-Cade ee Gobalka Shabbelada Dhexe Waxaan ilaa iyo Hada aan la ogayn Sababta keentay in Ciidamadu ay  dib Uga soo laabtaan Aaagagii Saaka ay ka Dagaalka galeen.

Saraakiisha Militariga Soomaaliya oo ay xiriir la sameysay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa ka gaabsaday inay wax faah-faahin ah ay ka bixiyaan qasaaraha ka dhashay dagaalka maanta ka dhacay Deegaanka Mir-tuuge.

Dhan kale Saraakiisha Militariga Soomaaliya ayaa in noo xaqiiyey in Ciidamada Dowalada iyo AMISOM ay dib ugu soo laabteen Deegaanka Biya-cade ayagoo sheegay in ay tahay la Xiriira Xeelado Militari

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here