Shabaab oo ka Hadlay Dagaal ka Dhacay Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose

0

Warar dheeraaad ah ayaa kasoo baxaya dagaal ka dhacay  degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo kamid ah degmooyinka ay gacanta ku hayaan maamulka xarakada al-shabaab.

Af-hayeenka dhanka Howlgalada al-shabaab Shiikh Cabdi Casiis Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta al-shabaab ayaa sheegay in ciidamo hubeysan oo watay laba diyaaradood oo helicopter ah ay xalay soo weerareen degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose balse ay al-shaabab iska caabiyeen weerarkaas.

Shiikh Cabdi Casiis Abuu Muscab waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamo kale oo aad u fara badan oo lugta ah ay gudaha usoo galeen degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose iyagoo dagaal la galay ciidamo ka tirsan al-shabaab oo ku sugnaa saldhiga degmada.

Dhanka kale Shaiikh Abuu Muscab waxa uu tilmaamay in aan la ogeyn halka ay ka yimaadeen ciidamada soo qaaday weerarka balse ay ku hadlayeen luuqad shisheeye Wuxuu sidoo kale sheegay in saaka markii la tagay goobihii lagu dagaalamay xalay in lagu arkay dhiig iyo rasaas ay ka carareen ciidamadii xalay degmada weerarka kusoo qaaday.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here