Dhageyso:- Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo Faah-Faahin ka Bixiyay Qaraxii ka Dhacay Xarunta Gaadiidka Booliska

0

Gen Cali Xirsi Barre Cali Gaab Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qaraxii saakay ka dhacay Maqaaxi kasoo horjeeda xarunta Gaadiidka booliska ee degmada C/casiis ay ku dhinteen 3 Sargaal Oo ciidanka boliiska ka tirsanaa ayna ku dhaawacmeen dad shacab ahaa  oo  sidoo kale ku sugnaa maqaaxida.

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Generaal Cali Xirsi Barre Cali Gaab waxa uu hadalkiisa ku daray in ciidamada booliska Soomaliyeed ay gacantan ku dhigeen ruuxii waday gaariga isqarxiyay isagoo dhaawac ah haatan ay ciidamada gacanta ku hayaan dhawaana lasoo bandhigi doono.

Dhanka kale Taliyaha Qeyta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Cali Gaas waxa uu sheegay in ciidamada Nabad Galyada Gobolka Banaadir ay Gacanta ku dhigeen Rag saarnaa Mooto Bajaaj kuwaasi oo doonayay in ay isku qarxiyeen Xaafada Afasiyooni ee degmada Waabari ee Gobolka Banaadir.

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here