Wararka haatan naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in maanta qaliin lagu sameynayo Liibaan Madaxweyne oo kamid ahaa saraakiisha ciidamada dowlada Soomaliya oo dhawaan weerar kusoo qaaday Magaalada Dhuuso Mareebee Gobolka Galgaduud.
Liibaan Madaxweyne ayaa shalay galinkii dambe la geeyay isbitaal ku yaala Magaalada Gaalkacyo oo lagu magacaabo Carafaat waxaa amaankiisa sidoo kale isla xalay la wareegay Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Galmudug.
Muxudiin Jakuula oo kamid ah Mas’uuliyiin warfaafinta maamulka Galmudug ayaa idaacada simba ee Magaalada muqdisho u sheegay In liiban madaxweyne ay ku wareejiyeen eheladiisa isla markaana markii la daaweeyo dib loogu celin doono maamulka ahlusuna waljameeca oo dhawaan gacanta ku dhigay.

