
Dowlada Kenya ayaa sheegtay in ay xirtay dhalinyaro kenyaan ah oo dooneysay in ay ku biiraan kooxda daacish oo ciraaq iyo Syria ku dagaalanta.
Mas’uuliyiin u hadashay Booliska Magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa sheegay in dhalinyaradaan la qabtay iyagoo doonayay ku biirista kooxda qilaafa islaamka ee daacish oo dhalinyaro badan ka qorata wadamada Caalamka.
Booliska Magacayada dhalinyarada la qabtay waxa ay ku kala sheegeen Mohamed Kassim, Faraj Swaleh, Ali Omar iyo Kassim Ali kuwaasi oo maalinta shalay aheyd kasoo muuqday Maxkamad ku taala Magaalada Mombasa ee dalka Kenya.
Sirdoonka Kenya ayaa dhanka kale sheegay in mudooyinkii ugu dambeeyay 20-dhalinyaro oo kenyaan ahaa ay ku biireen kooxda daacish oo ku sugan dalka Libiya oo kamid meelaha ay xiligaan ku xoogan yihiin kooxda.
Dhanka kale Agaasimihii hore ee Xarunta Argagixisada dowlada Kenya Isaac Ochieng, ayaa sheegay in sanadihii lasoo dhaafay ay soo bateen dhalinyaro kenyaan-ka ee doonaysa ku biirista kooxaha islaamiyiinta sida daacisha iyo al-shabaab.
