Booliska Kenya oo Xiray Dhalinyaro Doonaysay ku Biirista kooxda Daacish

0
From left to right, Mohamed Kassim, Faraj Swaleh, Ali Omar and Kassim Ali at the Mombasa law court, Monday, March 7, 2016, after they were arrested by Kenya police, allegedly attempting to leave the country through the border with Uganda to join extremist group Islamic State in Libya. The four men were presented in court to request the court to allow them to hold the suspects for an extra 30 days, so that they can conduct investigations before being charged. Kenyan Authority’s fear that the increasing cases of Kenyans allegedly being recruited by the extremist group is a sign that the Islamic state group is trying to get a foothold in the East African country. (AP Photo)

Dowlada Kenya ayaa sheegtay in ay xirtay dhalinyaro kenyaan ah oo dooneysay in ay ku biiraan kooxda daacish oo ciraaq iyo Syria ku dagaalanta.

Mas’uuliyiin u hadashay Booliska Magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa sheegay in dhalinyaradaan la qabtay  iyagoo doonayay ku biirista kooxda qilaafa islaamka ee daacish oo dhalinyaro badan ka qorata wadamada Caalamka.

Booliska Magacayada dhalinyarada la qabtay waxa ay ku kala sheegeen Mohamed Kassim, Faraj Swaleh, Ali Omar iyo Kassim Ali kuwaasi oo maalinta shalay aheyd kasoo muuqday Maxkamad ku taala Magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Sirdoonka Kenya ayaa dhanka kale sheegay in mudooyinkii ugu dambeeyay 20-dhalinyaro oo kenyaan ahaa ay ku biireen kooxda daacish oo ku sugan dalka Libiya oo kamid meelaha ay xiligaan ku xoogan yihiin kooxda.

Dhanka kale Agaasimihii  hore ee Xarunta Argagixisada dowlada Kenya Isaac Ochieng, ayaa sheegay in sanadihii lasoo dhaafay ay soo bateen dhalinyaro kenyaan-ka ee doonaysa ku biirista kooxaha islaamiyiinta sida daacisha iyo al-shabaab.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here