Wafdi uu hogaaminaayo Taliyaha ciidamada Booliska Soomaliyeed Sareeyo gaas Maxamed Sheekh xasan Xaamud ayaa maanta gaaray Magaalada Roma ee caasimada dalka talyaaniga.
Waxaa ku wehliyay safarkii Magaalada Roma ee caasimada dalka Talyaaniga ku xigeenkiisa Labaad S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada booliiska Soomaaliyeed.
Markii ay gaareen Caasimada roma ee dalka Talyaaniga waxa ay soo dhaweyn kala kulmeen Mas’uuliyiinta ugu sareysa dalka Talyaaniga sida saraakiisha ciidamada booliska dalka Talyaaniga.
Sareeyo gaas Maxamed Sheekh xasan Xaamud, taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa u jeedada socdaalkiisa Talyaaniga waxaa uu ka dambeeyay kadib markii uu casuumaad uu ka heley mas’uuliyiinta booliiska dalkaasi.
Dhanka kale Taliyaha iyo wafdigii inta ay ku sugan yihiin Magaalada Roma waxa ay kulamo la qaadan doonaan saraakiisha ciidamada booliska dalka Talyaaniga iyagoona kala hadli doono sidii dowlada talyaaniga ugu qeyb qaadan laheyd dib u dhiska ciidamada booliska Soomaliyeed.
Dhawaan ayay aheyd markii Taliyaha ciidamada Booliska Soomaliyeed Sareeyo gaas Maxamed Sheekh xasan uu gaaray caasimada dalka Tunis ee dalka Tunusia isagoona halkaas kula soo kulmay saraakiisha ciidamada booliska dalkaas.




