Roberto Firmino oo loogu Yeeray Xulka dalka Brazil si uu badal ugu Noqdo Kaka

0

Weeraryahanka kooxda Liverpool Roberto Firmino ayaa loogu wacay xulka dalka Brazil si uu badal ugu noqdo laacibkii Hore ee kooxda ac Milan Kaka oo dhaawac uu soo gaaray ka hor kulankii ay kooxdiisa ciyaaraysa maalintii sabtida.

Kaka ayaa seegay kulankii ay kooxdiisa Orlando City’ ay barbaraha la gashay kooxda Real Sale Lake furitaanka horyaalka dalka MLS-ka dalka Mareykanka oo dhawaan furmay.

33-jirkaan kaka ayaa la filayaa in uu seego ciyaaraha isreebreebka koobka aduunka uu xulka dalka Brazil la ciyaari doono xulalka Uruguay iyo Paraguay dhamaadka bisha march.

Firmino, ayaa bandhig wanaagsan ka sameenaya kooxda Liverpool isgaoona kulankii ay shalay la ciyaareen kooxda Crystal Palace. Gool kooxdiisa u dhaliyay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here