Macalinkii Hore ee xulka dalka Uruguay Jorge Fossati Ayaa ugu baaqay weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain Edinson Cavani in uu ku biiro kooxda Manchester City ee Horyaalka dalka Ingiriiska.
Weeraryahankii Hore ee kooxda Napoli ayaa ah dooqa labaad ee dhanka iyo weerarka kooxda Paris Saint-Germain madaama kooxda weerarka hore uu u safto weeraryahanka heerka caalami ee xulka dalka Sweden Zlatan Ibrahimovic.
29-kaan ayaa sedex xili ciyaareed ku sugan kooxda Paris Saint-Germain isagoona sanadihii dambe dalabyo ka helayay kooxaha dalka Ingiriiska sida Manchester United, Chelsea iyo arsenal.
Laakin Jorge Fossati. Oo xulka dalka Uruguay hogaamiyay cup-ka America sanadkii 2004-tii ayaa laacibkaan u sheegay in uu ku biiro kooxda uu xili ciyaareedka dambe hogaamin doono macalinka reer Spain ee Pep Guardiola.

