Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud ayaa habeenkii xalay ahaa ka qeyb galay Munaasabad casho sharaf aheyd oo gudoonka sare ee barlaamanka Soomaaliya uu ku sagootinaayay mudanayaasha barlamaanka Soomaaliya oo galay fasixii kalfadhig 7aad ee u xirmay todobaadkaan Gudihiisa.
Munaasabad waxaa sidoo kale ka qeyb galay Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya Maxamed sheikh cusmaan jawaari iyo Raisulwasaaraha soomaliya Cumar C/rashiid cali sharmarke iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada xukuumada soomaliya.
Intii ay socotay Munaasabada ayaa lagu soo bandhigay filim ka turjumiyay waxqabadka Mudanayaasha Baarlamanka Soomaliya iyo suugaan ka hadlaysa waxqabadka mudanaayaasha baarlamanka ay goobta kusoo bandhigeen kooxda Shambal.
Raisulwasaaraha Xukuumada Soomaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in ay tahay wax lagu farxo oo loo soo dhaweeyo wada shaqeynta ka dhaxeysa hey’adaha dalka ugu sareeya.
Dhanka kale Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaliya Maxamed sheikh Cusmaan jawaari oo soo qaban qaabiyay casho sharafta ayaa u soo jeediyay xubnaha barlamaanka hadalo dardaaran ah, isagoo sidoo kale ugu hambalyeeyay fasaxa mudanayaasha baarlamanka Soomaliya.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha Soomaliya Xasan sheikh Maxamuud oo munaasabada soo xiraya ayaa amaan usoo jeediyay mudanayaasha baarlamanka soomaliya oo uu ku amaanay waxqabadka howlihii loo xil saaray.

