Wasaarada Amniga:- Hubka Sharci Darada Waa in lagu Soo Diiwaan Galiyaa Muddo bil ah+Dhageyso

0

Wasaarada amniga Xukuumada soomaliya ayaa muddo bil ah u qabatay dadka haysta hubka sharci darada ah in ay isku soo diiwaan galiyaan. si hubkooda loogu sharciyeeyo.

Afhayeenka wasaarada amniga xukuumada soomaliya C/kaamil Macalin shukri oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in wasaarada ay muddo bil ah u qabatay dadka haysta hubka sharci darada ah in ay isku soo diiwaan galiyaan hadii kale wasaarada ay talaabo sharciga waafaqsan ay ka qaadi doonto.

“dadka haysta hubka sharci darada ah waa in ay iska soo diiwaan galiyaan wasaarada amniga Gudaha hadii taasi ay dhici weyso wasaarada talaabo sharciga waafaqsan ayay ka qaadi doontaa dadka haysta hubka sharci darada ah ayuu yiri C/kaamil Macalin shukri.

Dhanka kale Afhayeenka wasaarada amniga xukuumada soomaliya C/kaamil Macalin shukri ayaa sheegay in wasaarada amniga ay soo dhaweynayso qaabka loo kala qeybsaday sugida amaanka Magaalada Muqdisho madaama ciidamada booliska lagu wareejiyay suigida amniga laga soo bilaabo liido Degmada C/casiis ilaa ex Kontorool. Halka nabad sugida lagu waeejiyayWadada  Sodonka,.

C/kaamil Macalin shukri ayaa dhanka kale sheegay in ay sii socon doonaan howlgalada lagula dagaalamayo xarakada al-shabaab ee ka socda qaar kamid ah Gobolada dalka soomaliya iyo Magaalada Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here