Duqeyn ka Dhacday deegaano Hoos Yimaado Degmada Buulo-burde

0

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ee Bartamaha dhulka Soomaliya ayaa ku waramaya in la duqeeyay saldhigyo ay al-shabaab ku lahaayeen deegaanada Ceel-dibi iyo ceel-duun ee hoos yimaada degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan.

Qof kamid dadka deegaanka ay duqeynta ka dhacday ayaa idaacada simba ee Magaalada Muqdisho u sheegay in ay maqleen ilaa dhowr gantaal oo lagu garaacay xirooyin ay al-shabaab ku lahaayen deeganada la duqeeyay.

Ilaa hada ma cada qasaaraha ka dhalatay duqeynta ka dhacday deegaano hoos yimaada degmada buulo-burde ee Gobolka Hiiraan, iyo cida fulisay duqeynta.

Gobolka Hiiraan ee bartmaha dhulkan soomaliya waxaa sidaan oo kale duqeyn ugu fuliyay goobo ay ku sugnaayeen al-shabaab diyaaradaha dowlada Ethopia ee qeybta ka ah howlgalka Midowga africa ee amisom.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here