Ciidamada Booliska dowlada soomaliya ayaa si rasmi ah maanta ula wareegay Koontarooladii ay ku sugnaayeen ciidanka Nabad Suggida ayna ku baari jireen gaadiidka.
Waxaa lagu arkayaa Laga soo bilaabo Isgoyska KM4 ilaa Isgoyska Tiyaatarka ee Magaalada Muqdisho Ciidamada Booliska dowlada soomaliya waxaana horey goobahaas kontorool gaadiidka lagu baaro ku lahaa ciidamada Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka dowlada soomaliya.
Isgoyska KM4, Agagaarka Shaqaalaha, Isgoyska Dabka, Isgoyska Sayidka iyo guriga hooyooyinka Koontaroolada yaallo dhamaantood waxaa lagu arkayaa xiligaan ciidamada Booliska dowlada soomaliya.
La wareegitaanka ciidamada Booliska dowlada soomaliya ay la wareegeen kontoroolada Magaalada Muqdisho ayaa kusoo beegmaysa xili dhawaan Maamulka Gobolka Banaadir lagu wareejiyay amaanka Magaalada Muqdisho.

