Dad shacabka ahaa ee ku nolaa deegaanka janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa bilaabay saakay in ay ka barakacaan deegaankaaas kadib madaafiic labadii habeen aynu soo dhaafnay lagu garaacay deegaanka.
Qof kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in gabi-ahaaba dadkii ku sugnaa deegaanka ay saakay bilaabeen barakac xoogan kadib markii labadii habeen aynu soo dhaafay deegaanka ay ciidamada amisom ku garaaceen madaafiic xoogan.
Waxa uu sheegay qofka kamidka ah dadka deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose in madaafiicda ay geysatay qasaaro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadkii shacab ahaa oo ku noolaa deegaanka Janaale.
Labadii Habeen aynu soo dhaafnay deegaano Hoos Yimaada Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa lagu garaacay Madaafiic geysatay qasaaro dhimasho iyo dhaawac wallow taliska amisom uusan ka hadlin madaafiic la sheegay in deegaanka ay ku gaaraaceen.

