Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeelaha dhexe gaar ahaan deegaanka cadale ayaa sheegaya in Askari ka Tirsan ciidamada dowlada Soomaliya uu deegaankaas ku dilay Taliye ku xigeenkii Nabad sugida.
Taliye ku xigeenka la dilay iyo askariga ka tirsan ciidamada dowlada soomaliya ayaa la sheegay in muran xoogan uu soo kala dhaxgalay taasina ay keentay in askariga uu rasaas ku furo taliyaha oo markii dambe goobta ku nafwaayay.
Dhanka kale Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe aynu la xiriirnay ayaa xaqiijiyay in askariga uu dilay Taliye ku xigeenkii Nabad sugida deegaanka cadale ayna haatan wadaan baaritaan xoogan ay ku baadi-goobayaan askariga dilka geystay oo la sheegay in deegaanka uu ka baxsaday.
Qaar kamid ah Gobolada dalka Soomaliya iyo Magaalada Muqdisho waxaa ka dhaca falalka noocaan oo kala ah oo ay geystaan askarta ka tirsan ciidamada dowlada soomaliya.

