Macalinka kooxda Manchestr United Louis van Gaal ayaa kasoo horjeystay wararka sheegaya in la abuurayo koob cusub oo loogu magacdarayo European Super League.
Wararka soo baxaya ayaa tilmaamaya in agaasimayaasha kooxaha Arsenal, Chelsea, Liverpool, Manchester City iuo Manchester United ay dhamaan ay la kulmeen billionaire reer Mareykan ee lagu magacaabo Stephen Ross’ waxayna kawada hadleen sidii loo sameyn lahaa koob cusub oo lagu burburinaayo koobka Champions League.
Macalinka kooxda Manchester United Louis van Gaal oo warbaahinta la hadlay ka hor kulanka ay kooxdiisa la ciyaari doonto kooxda Westbron ayaa sheegay in uu kasoo horjeedo koobka la sameynayo ee loogu magac-daray European Super League.

