Xidigii Hore ee kooxda Arsenal David Seaman. Ayaa tilmaamay in macalinka kooxda arsenal loogu baahan yahay in uu koobka Premier League uu la qaado kooxda.
David Seaman oo kamid ahaa xidigii arsenal kula guuleystay Horyaalka dalka Ingiriiska sanadihii 1997-1998 iyo 2001-2002 ayaa sheegay in naadiga mar kale loogu baahan yahay ku guuleysiga koobka Premier League tan iyo markii ay unbeaten ay ku qaadeen sanadkii 2004-tii.
Arsenal ayaa galabta wajihi doonta kooxda ay isku Magaaalada yihiin ee Tottenham kulan ka Tirsan Premier League waana labo koox oo isku dhow dhanka dhibcaha ah marka la eego.

