Hay’ada CPJ oo Soo Dhaweysay Xukunka Dilka ah ee Xasan Xanafi lagu Xukumay

0

Hay’ada udooda suxufiyiinta dunida ee loo yaqaan CPJ ayaa soo dhaweysay xukunka dilka ah ee lagu riday xasan xanafi oo lagu helay dilka ilaa iyo 5 wariye oo sanadihii dambe lagu dilay dalka soomaaliya.

Hay-adaan oo fadhigoodu tahay magaalada Newyork ee dalka mareykanka ayaa shaacisay in ay tahay guul u soo hoyatay dhamaan suxufiyiinta ka howl gala soomaaliya maadaama xasan xanafi uu qirtay in uu ka dambeeyey dilka suxufiyiin lagu dilay soomaaliya.

Agaasimaha hay-ada CPJ ee qaarada afrika ayaa sheegay in xasan xanafi uu ku lug lahaa dilka wariyaal kale oo aan hada la soo ban dhigin magacyadooda.

Xasan xanafi ayaa lagu xukumay dil toogasha ah  kadib markii lagu eedeeyey dilka ilaa iyo shan wariye oo kala ahaa Mahad Ahmed Elmi agaasimhii idaacada Capital Voice,  Ali Iimaan Sharmarke malkiilihii idaacada hoon afriik , Said Tahliil Ahmed, agaasimihii idaacada hoon afrika iyo Tvga hoon afrik, Mukhtar Mohamed Hirabe agaasimihii Radio shabeele, Sheikh Nur Mohamed Abkey oo ka tirsanaa Radio muqdisho kaasi oo xasan xanafi uu sicad u qirtay in uu dilay isaga.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa xasan xanafi ku riday dil toogashaa maalinkii khamiista aheyd.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here