Ilaalada xeebaha gobolka Western Cape ee dalka koonfur afrika ayaa sheegay in la helay meydka wiil soomaaliyeed oo laga helay xeebta Strand ee gobolka Western Cape.
Wiilkaan oo da’diisa lagu sheegay 20 sano jir ayaa la sheegay in ay soo tuftay bada ugu dambeena meydkiisa lagu arkay xeebta Strand ee gobolka kuyaala galbeedka koonfur afrika ee Western Cape.
Ciidamada booliska koonfur afrika ayaa u qaaday meydka wiilkaan isbitaalka Forensic Pathology Services.
Dhanka kale booliska koonfur Afrika ma aysan soo ban dhigin magaca wiilkaan soomaaliga ah ee meydkiisa laga helay xeebaha koonfur afrika.

