Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta mar kale su’uulo la xiriira amaanka waxa ay weydiinayaan wasiirka amniga Gudaha Xukuumada soomaliya C/risaaq Cumar Maxamed.
Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ah habdhowraha baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay idaacada simba ayaa sheegay in kulanka maanta oo ku saabsan yahay su’uulo weydiinta wasiirka amniga Gudaha xukuumada soomaliya.
Maxamed Cumar Maxamuud waxa uu sheegay in kulanka maanta uu daba socda kulamadii maalmihii dambe ay yeelanayeen mudanaayaasha Baarlamanka soomaliya oo su’uulo lagu weydiinayay wasiiro ka tirsan xukuumada soomaliya.
Baarlamanka Soomaliya ayaa labadii maalin aynu soo dhaafnay su’aalo la xiriira amaanka waxa ay weydiiyeen wasiirka amniga iyo Taliyaasha ciidamada Nabad sugida iyo Booliska.

