Wararka naga soo gaaraya Gobolka Galgaduud ee Bartamaha dhulka Soomaliya ayaa ku waramaya in ciidamada Ethopia ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Africa ee amisom ay la wareegeen amaanka Magaalada Dhuuso Mareeb ee Gobolka Galgaduud iyo qaar kamid ah wadooyinka soo gala Magaaladaas.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka ahlusuna waljameeca ee Gobolka Galgaduud ayaa idaacada simba ee Magaalada Muqdisho u xaqiijiyay in la isku afgartay in ciidamada Ethopia ay la wareegaan gacanta ku heynta qaar kamid ah wadooyinka soo gala Magaalada Dhuuso Mareeb ee ka yimada deegaanka Gadoon, mareergur, iyo degmada Ceelbuur ee isla Gobolka Galgaduud iyo amaanka Magaalada Dhuuso Mareeb.
Dhanka kale Mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka ahlusuna waljmeeca ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in ciidamada ay doonayaan sidii loogu wareejin lahaa liibaan Madaxweyne oo horey ugu tirsanaa ciidamada Dowlada soomaliya oo dhawaan weerar ku qaaday Magaalada Dhuuso Mareeb ee Gobolka Galgaduud haatana dhaawac ah.

