Xildhibaano ka Tirsan Baarlamanka Soomaliya oo ka qeyb galay kulankii Baarlamaanada ee Pan Afrika ee lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in soomaliya aysan xiligaan u baahneen ciidamo kale oo ka socda wadamada dariska ah Si ay ugu qeyb qaataan nabad galyada dalka.
Xildhibaan Cabdi Xukun oo ka mid ah mudanayaasha baarlamanka Soomaaliya umatalayay Baarlamaanka Pan Afrika kana qeyb qaadanayay su’aalihii la weydiinayay Agaasimaha Waaxda Amaanka iyo Nabadgalyada Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay inaysan Soomaaliya xamili karin xiligaan ciidamo lagu soo kordhiyo ciidamada jooga hadda ee nabad illaalinta ah amisom ka socda,
“ Soomaaliya ma xamili karto ciidamo dheeraad oo ka socda wadamada Afrika in hada la keeno soomaliya ,waxaa haboon in la tayeyo ciidanka xoogga dalka soomaliyeed si ay u sugaan nabad galyada “ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Xukun
Soomaliya waxaa haatan ku sugan ciidamo ka socda wadamada dariska sida Kenya,Uganda, Brundi iyo Etthopia kuwaaso oo ka qeyb qaadanaya nabad soo celinta soomaliya iyo la dagaalanka al-shabaab.

