Maxkamada Sare ee Kenya oo Dhageysatay Dacwado loo Heysto Raggii Weeraray Jaamacada Gaarisa.

0

Maxkamada Sare ee dalka Kenya ayaa dhageystay dacwado loo heysto qaar kamid ah raggii weerarka ku qaaday Jaamacada Magaalada Gaarisa ee Gobolka Woqooyi Bari ee dalka Kenya.

Robert Njeru Mathenge wuxuu kamid ahaa ardeydii wax ka baran jirtay Jaamacada gaarisa balse haatan waxa uu wax ka bartaa jaamacada Moi University  ee ku taala Magaalada Eldoret, wuxuuna kamid ahaa ardeydii ku sugneed Jaamacada xiligii weerarka lagu qaaday.

Wuxuu sheegay in uu arkay qaar kamid ah ragiii jaamacada weerarka kusoo qaaday oo xirnaa tuutaha ciidamada Malatariga ee dalka Kenya kuwaasi oo rasaas xoogan ku furey dhamaan qeybaha ay ka koobneed jaamacada.

Maxkamada sare ee dalka Kenya oo bilowday dhageysiga dacwadaha loo heysto raggaan weeraray Jaamacada ayaa sheegtay in ay doonayeen in ciidamada Kenya ee ku sugan soomaliya in laga saaro.

Ragga Maxkamada kasoo hor muuqday waxaa kamid ahaa Mohamed Surow, Osman Dakane, Mohamed Abikar, Hassan Hassan, Sahal Hussein iyo Mberesero kuwaasi oo lagu soo eedeeyay in ay ahaayeen ragii weerarka ku qaaday Jaamacada Gaarisa April 2, sanadkii 2015 waxaana weerarkaas lagu dilay ilaa 150-ruux oo ardey u badneed.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here