Dhageyso:-Dowlada Soomaliya oo ka Shaqeynaysa Mideynta Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed

0

Ra’iisal wasaare ku xigeenka Xukuumada Somalia Maxamed Cumar Carte oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa sheegay in dowlada soomaliya ay xiligaan ku howlan tahay sidii loo mideyn lahaa ciidamada xoogga dalka soomaliyeed.

Mudane Maxamed Cumar Carte  Ra’iisal wasaare ku xigeenka Somalia oo la hadlay Laanta afka soomaliga ee Voa-da ayaa sheegay in Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada mareykanka uu  kala hadlay sidii loo mideyn lahaa ciidamada xoogga dalka soomaliyeed iyo sidii loo siin lahaa Tababaro isku mid ah.

Sidoo kale Ra’iisal wasaare ku xigeenka Somalia Maxamed Cumar Carte ayaa Tilmaamay in dowlada soomaliya  ay qaab cusub ula macaamili doonto Hey’addaha iyo wadamada caawiya dowlada Somalia.  balse ay diirada saari doonaan xiligaan tayeynta ciidamada xoogga dalka soomaliya si loogu maarmo ciidamada wadamada dariska ah.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka Somalia Maxamed Cumar Carte ayaa dhanka kale kala hadlay Jaaliyada soomaliyeed ee ku dhaqan magaalada Washington DC iyo gobolada ku hareeraysan ee dalka Mareykanka, sidii loogu qeyb qaadan lahaa dib u dhiska dalka soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here