Taliyaha ciidanka booliska Kenya david obenya ayaa sheegay in ciidamada Kenya aan laga soo saari doonin Gudaha dalka soomaaliya.
Taliyaha ayaa sheegay in ay ka itaal roonaadeen xarakada al-shabaab kadib markii bishaan oo kale ay ciidankooda soogaleen gudaha soomaaliya sidoo kalana ay ka mid noqdeen Howl-galka Amisom ee kasocda dalka.
Taliyaha ciidanka Kenya ayaa sheegay in ciidankooda ay ku guuleesteen in ay Alshabaab kaga adkaadaan qeybo badan oo soomaaliya oo dagaalo ay kula galeen 4 sano kadib markii ay ciidanka u soo direen soomaaliya.
Bishaan oo kale ee October sanadkii 2011 ayaa ciidamada Kenya ay soogaleen dalka soomaaliya , waxaana xiligaasi ay kusoo biireen howl-galka midowga Afrika ee amisom.
Alshabab ayaa weeraro ku qaaday dalka Kenya , waxaana weerarada alshabAab ay qaadeen kamida ah weerarkii lagu qaaday suuqa westegate mall ee kuyaala magaalada Nairobi waxaana ku dhintay 67 ruux oo Kenyaan ah
Weerarada ay alshabaab ka geesteen dhulka Kenya waxaa kaloo ka mid ahaa weerarkii lagu qaaday jaamacadda garissa waxaana ku dhintay ku dhawaad 150 arday kenyaan ah
Waa markii ugu horeysay oo dowlada Kenya ay ciidankeeda u dirto dal kale muddo laga joogo 50 sano oo ciidanka Kenya uu aas aasan yahay

