Mid kamid ah Xildhibaanada kasoo jeeda Gobolka Gedo oo eedeeyn u jeediyay Ciidamada Ethopia iyo Maamulka Juba-land

0
Ethiopian troops ride on a military truck in Somali's capital Mogadishu December 29, 2006. Somalia's Prime Minister Ali Mohamed Gedi swept into Mogadishu in an armoured convoy on Friday a day after his Ethiopian-backed forces drove Islamist rivals from the city they had ruled by sharia law since June. REUTERS/Sahal Abdulle (SOMALIA)

Warar ka imaanaya Magaalada Gar-bahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa sheeegaya in uu Halkaas maanta uu ka dhacay Dibad Bax ay dhigeen dadka ku Nool Magaalada kaasi oo  loogu soo Horjeeday ciidamada Ethopia iyo Maamulka Juba-land

Mid kamid ah Xildhibaanada kasoo Horjeeda Gobolka Gedo oo lagu Magacaabo Maxamuud cali Magan ayaa radio simba u sheegay in Maamulka Juba-land iyo ciidamada dowlada Ethopia  ay doonayaan in ay xoog ku Maamulaan Gobolka Gedo ee Koonfurta dalka soomaliya

Maxamuud cali Magan Ayaa sheegay in Gudaha Degmada Gar-bahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo in ay ka dhaceyn Dhibaatooyin loo Geystay dadka ku Nool Gobolka Gedo wuxuuna ku eedeeyay dhibaatooyinkaas ciidamada Ethopia iyo ciidamada Maamulka Juba-land oo ku sugan Gobolka gedo

Dhanka kale  xildhibaan Maxamuud cali Magan  ayaa ugu baaqay dowlada soomaliya in ay soo Fara Galiso arimaha ka Taagan  xiligaan Gobolka Gedo ee Koonfurta dalka soomaliya

Siyaasiyiinta iyo dadka kasoo jeedo Gobolka gedo ayaa marar badan eedeyn u jeediyay Maamulka Juba-land iyagoona ku eedeeyay in ay dhibaatooyin u Geystaan dadka gobolka gedo Ku Nool

 

 

 

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here