
Warar ka imaanaya Magaalada Gar-bahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa sheeegaya in uu Halkaas maanta uu ka dhacay Dibad Bax ay dhigeen dadka ku Nool Magaalada kaasi oo loogu soo Horjeeday ciidamada Ethopia iyo Maamulka Juba-land
Mid kamid ah Xildhibaanada kasoo Horjeeda Gobolka Gedo oo lagu Magacaabo Maxamuud cali Magan ayaa radio simba u sheegay in Maamulka Juba-land iyo ciidamada dowlada Ethopia ay doonayaan in ay xoog ku Maamulaan Gobolka Gedo ee Koonfurta dalka soomaliya
Maxamuud cali Magan Ayaa sheegay in Gudaha Degmada Gar-bahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo in ay ka dhaceyn Dhibaatooyin loo Geystay dadka ku Nool Gobolka Gedo wuxuuna ku eedeeyay dhibaatooyinkaas ciidamada Ethopia iyo ciidamada Maamulka Juba-land oo ku sugan Gobolka gedo
Dhanka kale xildhibaan Maxamuud cali Magan ayaa ugu baaqay dowlada soomaliya in ay soo Fara Galiso arimaha ka Taagan xiligaan Gobolka Gedo ee Koonfurta dalka soomaliya
Siyaasiyiinta iyo dadka kasoo jeedo Gobolka gedo ayaa marar badan eedeyn u jeediyay Maamulka Juba-land iyagoona ku eedeeyay in ay dhibaatooyin u Geystaan dadka gobolka gedo Ku Nool
