Maanta oo khamiis ah ayaa waxaa Magaalada Muqdisho lagu Maxkamdeynayaa Xasan Xanafi Xaaji oo la Sheegay in Al-shabaab u qaabilsanaa dilalka Wariyayaasha islamarkaana lagu tuhmayo in uu masuul ka ahaa waxna uu ka abaabulay dilalka Wariyayaal dhawr ah oo lagu dilay gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Xasan Xanafi ayaa hadda waxaa qabanqaabada Maxkamadeyntiisu ay ka socotaa Magaalada Muqdisho waxaana lagu wadaa in goor dhaw la horkeeno Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee soomaaliya.
Goobta maxkamadeynta Xasan xanafi ay ka socoto ayaa waxaa goobjoog ka ah Masuuliyiinta Maxkamadda Ciidamada qalabka sida,Wariyayaal iyo waliba dadweyne kale waxaana la filayaa in goor dhaw ay bilaabato dhageysiga dacwadda loo haysto xasan xanafi oo ka tirsanaa garabka warbaahinta ee Xarakada Al-shabaab islamarkaana lagu haysto kiisas la xariira dilalka iyo Shirqoollo loo geystay Wariyayaal iyo waliba Masuuliyiin warbaahineed.
Xasan xanafi Xaaji ayaa horraan waxaa lagasoo qabtay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kadib markii sida la sheegay uu doonayey inuu ka dhoofo garoonka diyaaradaha dalka Kenya.
Wixii kasoo Kordha Maxkamadeynta Xasan Xanafi Xaaji dib ayaad kala socodoontaan insha allah.

