Xaaladda Magaalada Dhuusa-mareeb oo Saaka daggan.

0

Kadib Markii dagaallo ay ka dhaceen Magalada Dhuusa-mareeb ee Xarunta gobolka galgaduud ayaa wararka Saaka ka imaanaya degmadaasi waxaa ay sheegayaan in xaaladdu  ay tahay mid daggan isla-markaana Ciidamada Maamulka Ahlu-sunna ay xalay saqdii dhexe ilaa saaka ay gaaf wareegayaan xaafadaha Magaalada gaar ahaan xaafadaha ku xeeran Saldhigga dhuusa-mareeb oo ah halkii shalay dagaaladu ay ka dhaceen.

Wararku sidoo kale waxaa ay sheegayaan in wali ay jirto cabsi la xariirta in mar kale dagaallo kale ay ka dhacaan,waxaana meelaha qaar laga dareemayaa raadadka dagaaladii shalay dhacay.

Dadkii ku dhaawacmay dagaalkii shalay ayaa lagusoo waramayaa qaarkood in wali aysan helin daryeel dawo oo ku filan maadama uu hadda sida lagusoo waramayo uu xiranyahay Isbitaalka magaalada Dhuusa-mareeb waxaana dadka la kala geeyey isbitaallo kun kala yaalla Magaalooyinka Guriceel iyo Waliba Cadaado oo ka wada tirsan Gobolka Galgaduud.

Dhinaca kale Goobihii ganacsiga ee Magaalada qaarkood ayaa lasoo sheegaya in iyagana wax yeello xooggan ay kasoo gaartay dagaalka ka dhacay magaaladaasi waxaana gubtay meelo ganacsi oo risaasta dhacaysay ay waxyeelaysay.

Dadkii ka barakacay Magaalada Dhuusa-mareeb ayaa iyagu hadda doonaya in magaalada ay kusoo laabtaan kadib markii dagaalku joogsaday kuwaasi oo hadda ku sugan deegaanada dhaca duleedka magaalada.

Dagaalka ayaa joogsaday ka dib markii Ciidamada Maamulka Ahlu-sunna ay gacanta ku dhigeen isagoo dhaawac Liibaan Madaxweyne oo ah sarkaal kasoo goostay ciidanka dowladda kuna biiray Ahlu-sunna islamarkaana hogaaminaayey  dagaalkii shalay ka dhacay Magaalada dhuusa-mareeb.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here