RW Cumar C.rashiid oo Mar kale hortagaya Baarlamaanka Soomaaliya Maanta.

0

Kulan kale oo su’aallo Weydiin ah ayaa xildhibaanada Baarlamaanaka Soomaaliya Maanta lagu wadaa in ay ku yeeshaan Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta golaha Shacabka oo ah halka baarlamaanka dalku ku shiro.

Kulanka Maanta ee Xildhibaanada Baarlamaanka ay yeelanayaan ayaa qeyb ka noqonaya su’aalo weydiin Xildhibaanada Baarlamaanku ay ku hayeen kulamadoodii dambe Xubno ka tirsan dowkladda federalka ah ee Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa Maanta waxaa lagu wadaa in Mar kale ay su’aalo weydiiyaan Wasiirka koowaad ee dalka Mudane Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo xildhibaanadu ay shalay weydiiyeen Su’aalo la xariira ammaanka dalka waxaana kulankaasi saxaafaddu ay ka ahayd dibad jog kadib markii guddoonka Baarlamaanku arinkaa amray.

Waxaana maanta Mar kale xildhibaanadu ay ku ballansanyihiin in ay su’aalo weydiiyaan Cumar C.rashiid Cali RW Xukuumadda Soomaaliya kuwaasi oo ay diiradda ku saarayaan amaanka Magaalda Muqdisho oo maalmihii dambe ay ka dhacayeen ka dhan ah amniga sida dilal iyo qaraxyo lagu qaadayo xarumo muhiim ah oo ku yaalla caasimada iyo meelo ka mid ah gobolada dalka.

Habdhoowraha Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cumar ayaa u sheegay Idaacadda Simba ee Muqdisho in Maanta Baarlamaanka uu hortagayo RW Cumar C.rashiid Cali.

Kulamadii ugu dambeeyey ee baarlamaanku ku yeesheen Mgaalada Muqdisho ayaa dhammaantood ajandayaashoodu noqdeen su’aalo weydiinta madaxa dowladda Soomaaliya ee qaabilsan ammaanka dalka sida Wasiirada arimaha gudaha<gaashaandhigga iyo Waliba taliyayaasha Ciidamada Booliska Nabad-sugidda iyadoona intaa kadib Xildhibaanadu ay dalbadeen inuu hor yimaado RW dalka Cumar c.rashiid kadib markii sida ay sheegeen aysan qancin jawaabaha xubnihii ay su’aalaha weydiiyeen waxaana shalay baarlamaanka  hortagay Cumar c.rashiid oo isago maanta mar kale wajahaya su’aalo weydiinta Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here