Xildhibaabada Baarlamanka Soomaliya ayaa kulan su’aalo lagu weydiinaayo wasiirka amniga Gudaha iyo taliyaasha ciidamada Booliska iyo Nabad sugida waxa ay ku leeyihiin xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Kulanka maanta ee xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya ayaa la sheegay in sidoo kale uu hortagayo raisulwasaaraha Xukuumada Soomaliya Mudane Cumar C.rashiid Cali Sharmarke si ay xildhibaanada su’aalo u weydiiyaan.
Kulankii Shalay ee mudanayaasha Baarlamanka ayaa furmi waayay kadib markii qaar kamid ah mudanaayaasha Baarlamanka Somaliya ay diideen in wasiirka amniga kaliyah ay su’aalo weydiiyaan madaama kulanka ay ka maqnaayeen Taliyaasha Ciidamada Booliska iyo Nabad sugida. oo dhawaan lagu wargaliyay in ay horyimaadaan baarlamanka Soomaliya.
Dhanka kale Taliyaha ciidamada Ciidanka Booliska Somaliyeed Maxamed shiikh Xasan Xaamud oo ay xildhibaanada doonayaan in ay su’aalo weydiiyaan ayaa dalka ka maqan isagoo kamid ah wafdi uu hogaaminaayay wasiirka arrimaha Gudaha xukuumada soomaliya C/raxmaan Odawaa oo shalay gaaray Magaalada Tunis ee caasimada dalka Tunusia.

