Wararka haatan naga soo gaaraya Magaalada dhuuso Mareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya in goordhaweyd Gudaha Magaladaas uu ka bilowday dagaal u dhaxeeya ciidamada ahlusuna waljameeca iyo ciidamo uu hogaaminaayo sarkaal horey ugu tirsanaa ciidamada dowlada soomaliya qeybta Gobolka Galgaduud.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada ahlusuna waljameeca oo la sheegay in xalay lagala wareegay xarumaha Magaalada dhuuso Mareeb ay soo rogaalceliyeen isla markaana ay dib u qabsadeen xarumihii ay xalay la wareegeen ciidamada uu hogaaminayo Liibaan Madaxweyne oo horey ugu tirsanaa saraakiisha ciidamada dowlada soomaliya.
Dhanka kale wararka aynu ka halayno Magaalada dhuuso Mareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Galmudug in ay kusoo biireen dagaalka kuwaasi oo la safan ciidamada uu hogaaminaayo Liibaan Madaxweyne.

