Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowlada Soomaliya oo Qarax Miino lagula eegtay Deegaanka Xaawa Cabdi

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in Ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada Soomaliya qarax miino lagula eegtay deegaanka Xaawa Cabdi ee gobolka shabeelaha Hoose.

Dad ku sugan deegaanka Xaawa Cabdi ee gobolka shabeelaha Hoose oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqisho ayaa sheegay in qarax uu ahaa midka lagu aaso dhulka ee miinada loo yaqaano isla markaana lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya.

Lama Ogo qasaaraha soo gaaray ciidamada ka tirsan kuwa dowlada soomaliya iyagoo qarax kadib furey rasaas xoogan oo sababtay qasaaro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadkii ku sugaan goobta.

Dhanka kale ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya ayaa soo gaaray deegaanka Xaawa Cabdi ee gobolka shabeelaha Hoose. Iyagoona Howlgalo ka sameeyay goobta qaraxa lagula eegtay ciidamada ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here