Daraasad cusub ayaa sheegeysa in cudurka ka dilaacay dalalka latin America ee Zika uu waxyeelo aad uxun uu u geysto maskaxda noolaha uu cudurka ku dhaco.
Daraasadaan ayaa lagu cadeeyey in qofka uu ku dhaco cudurka ama ay qaniinto kaneecada dhaliso cudurka uu keeno karo calaamado ay daraasadaan cusub ku sheegtay Guillain-Barré Syndrome (GBS)
Calaamadaha ayaa daraasada ay sidoo kale ku sheegtay in ay ka mid yihiin dareen wadayaasha maskaxda oo dhinta iyo neefsashada oo qofka dhibta.
Hay’ada caafimaadka ee WHO ayaa sheegtay in cudurka Zika laga qaado nuuc ka mida ah kaneecada oo loo yaqaan aydhis ejebtii muskuwuuto.
Cudurkaan Zika ayaa ilaa iyo hadda laga diiwaan galiyey 1.5 million oo keys, waxaana markii ugu horeysay lagu arkay dalka baraasiil iyo 10 dal oo daris la ah dalkaasi baraasiil.

