Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ee Maamulka dowlada soomaliya Yuusuf Axmad Hagar-daba Geed, ayaa maanta Magaalada beledweyne ee Gobolka Hiiraan waxa uu kulamo kula qaatay waxgaradka iyo odayaasha.
Yuusuf Axmad Hagar-daba Geed, ayaa odoyaasha iyo waxgaradka Magaalada Beledweyne kala hadlay halka ay marayso maamul samaynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Iyo sidii mar kale loo amba qaadi lahaa shirka maamul u sameynta.
Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ee Maamulka dowlada soomaliya Yuusuf Axmad Hagar-daba Geed, ayaa sheegay in aysan jirin cid diidan shirka maamul u sameynta hiiraan iyo shabeelaha dhexe balse ay jiraan tabashooyinka dhawaana la xalin doono tabashooyinkaas.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ee Maamulka dowlada soomaliya Yuusuf Axmad Hagar-daba Geed, ayaa maalmihii dambe ku sugnaa Magaalada Istanbul ee dalka Turky-ga isagoona halkaas kaga qeyb galay shirkii loogu hadlaayay arimaha soomaliya.

