Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo xadhigga ka jaray mashaariic lagu dhisay “Puntland Haysku Tashato”

0

Madaxweyne ku-xigeenka  Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta Feb-29-2016 waxaa uu xadhigga ka jaray waddo laami ah oo laga hirgeliyey gudaha magaalada Boosaaso gaar ahaan dhabarka masaajidka Darayle ee ku yaalla bartamaha suuqqa weyn ee Boosaaso.

Dhismaha Waddadan oo gaadheya 600Mitir(lix boqol oo mitir) ayaa waxaa lagu dhisay hal-kudhiggii Madaxweynaha Puntland ee ahaa “Puntland haysku Tashato” , waxaana  iska kaashaday dhaqaalaha ku baxay waddadan ganacsatada reer Boosaaso iyo dawladda hoose ee Degmada Boosaaso.

Munaasabadda xadhig  jaridda waddada oo ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiyaha Gobolka Bari, Duqqa Degmada Boosaaso, Gaanacsato iyo shirkaddii dhistay waddada ayaa Madaxweyne ku-xigeenka  Puntland waxaa uu uga mahadceliyey ganacsatada reer Boosaaso iyo dawladda hoose ee Boosaaso oo is kaashayana, isla markaana ka duulaya “Puntland haysku Tasho” tallaabadan muhimka ah ee ay qaadeen iyagoo ka shaqaynaya qurxinta iyo soo celinta Bilicda magaalada Boosaaso.

“wax yar  oo aynu  innagu qabsano, waxa uu inooga khayr badan yahay wax-badan oo shiyeeshe ina siiyo” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka  Puntland.

Dhinaca kale Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha ayaa waxa uu xadhigga kajaray Buundo hore u bur-burtay , taas oo ay si wada jir ah u dhagax dhigeen dhismeheeda Madaxweynaha  Puntland, Madaxweyne ku-xigeenka iyo Guddoomiya Baarlamaanka  Puntland, isla markaana ay dhistay Dawladda Hoose ee Degmada Boosaaso .

Buundadan ayaa waxaa lagu dhisay hal-kudhiggii Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ee ahaa “Puntland haysku Tashato” waxaana dhistay Dawladda Hoose ee Degmada Boosaaso oo kaashanaysta ganacsatada iyo Bulshada ku dhaqan magaalada Boosaaso.

Madaxweyne ku-xigeenka  Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha ayaa  Hoose ee Boosaaso ku ammaanay shaqooyinka baaxadda leh ee ay ka qabatay Degmada Boosaaso, sidoo kalena  waxa uu ugu baaqay  hoose ee degmooyinka kale ee Puntland in ay kaga daydaan  hoose ee  Boosaaso sida wanaagsan ee ay ugu adeegayso bulshada iyo qaabka ay dalka dib u dhiskiisa uga shaqaynayso, isagoona xusay isku tashigu qiimaha uu dalka u leeyahay.

“wax badan ayaan lagu yeeray in aan xadhigga ka jaro mashruuc lagu dhisay barnaamijka JPLG ee ay hay’aduhu  inaga caawiyaan, balse maanta farxad gaar ah bay ii tahay in aan xadhigga ka jaro mashaariic lagu dhisay Puntland haysku Tashato” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar.

IMG_1604 IMG_1606 IMG_1602 IMG_1675 IMG_1699 IMG_1663 IMG_1595 IMG_1653 IMG_1643 IMG_1633

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here