Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay dilka sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab

0

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in howlgal qorsheysnaa oo ka dhacay deegaanka Buurdhuxunle ee gobolka Bakool lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsana Al-shabaab.

Sarkaalkan ayaa magacabiisa lagu sheegay Xuseen Macalin Xasan (Magaalabeen), kasoo ay Wasaaradda Difaacu sheegtay inuu ka tirsanaa Al-shabaab mudo 15 sano ah.

Warsaxafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in sarkaalkan uu kasoo howlgalay gobollada Hiiraan, Shabeellada Dhexe, Shabeellada Hoose, Mudug, Galgaduud, Baay, Bakool iyo Gedo, isagoona xilalka kala duwan soo qabtay.

“Dhagarqabaha la khaarajiyay Xuseen Macallin Xasan (Magaalabeen) wuxuu horay soo noqday:

* Madaxa howlgelinta dagaalka ee Gobollada Baay, Bakool iyo Gedo.
* Madaxa baadda xoolaha ee gobolka Bakool.
* Madaxa sirdoonka kooxda ee gobollada Labada Shabeelle iyo Hiiraan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here