Liiska Xildhibaanada maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya oo lagu dhawaaqay

0

Liiska xildhibaanada maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa xalay saqdii dhex si rasmi ah loo shaaciyay, kaddib  muran ka taagnaa kalsoonida lagu qabo guddiga hubinta iyo ansixinta xildhibaaanada ee ay DFS soo magacowday.

Tirada xildhibaanada lagu dhawaaqay xalay ayaa gaaraya 83 xildhibaan, wuxuuna maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya noqonayaa mid kamid ah maamulada yeeshay xildhibaanada badan ee Baarlamaanka.

Hannaanka loo qeybsaday baarlamaanka cusub ayaa ah labo gobol iyo degmada Buuhoodle. Gobolka Sool 30 xildhibaan ayuu helay baarlamaanka cusub, Gobolka Sanaag wuxuu helay 37 xildhibaan, halka degmada Buuhoodle oo katirsan Togdheer ay heshay 16 xildhibaan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here