Ciidamo ka qeyb qaadanaya dagaalka Al-shabaab oo gaaray magaalada Maxaas

0

Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo uu ka socda abaabulkii ugu dambeeyay ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ayaa waxaa gaaray saacadahii lasoo dhaafay ciidamo aad u tira badan.

Ciidamadan ayaa ka kala yimid degmooyinka Guriceel iyo Matabaan ee gobolada Hiiraan iyo Galgaduud, kuwaas oo kasoo jeeda beesha Habargidir.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamadan gaaray magaalada Maxaas ayaa sheegay iney qeyb muhiim ah ka qaadan doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda deegaanada ka tirsan gobolka Hiiraan.

“Maxaas waxaan u nimid inaan gudbo abaalkii Xawaadle uu inoo galay sanadkii 2008-dii xiligaas oo Gurceel iyo Dhuusamareeb laga xureynaayay Khawarijta Al-shabaab way nala dhinteen waagaas anagaba waxaan diyaar u nahay inaan la dhimano sidaas ayaan u nimad maxaas, waana waajib cidii kula dhiman jirtay markeeda inaad la dhimato” ayuu yiri sarkaal ka mid ah ciidanka Habargidir ee gaaray Maxaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here