Isimmada dhaqanka ee SSC-Khaatumo ayaa isku khilaafay shirweynaha lagu dhameystirayo dhismaha Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo, iyadoo shirkaasi la filayo inuu rasmi ahaan ka furmo magaalada Laascaanood maalinta berri ah.
Isimmada ayaa u kala jabay laba garab: Qaar waxay taageersan yihiin hoggaanka maamulka SSC, halka kuwa kalena ay dhinac yihiin siyaasiyiinta iyo musharraxiinta mucaaradka ah.
Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah garaadka guud ee deegaannada SSC ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Laascaanood ku sheegay in aan lagu dhaqmi karin talo meel kale laga keenay. Wuxuu xusay in dadka deegaanka ay 15-kii sano ee la soo dhaafay ku jireen xukun dibadda laga keenay, taasina aysan mar dambe la aqbali karin.
“Waxaan 15 sano ka dagaalamayay talo meel kale ka timid, mana oggolaan karo in reer walaalahay ah aan ku sameeyo wixii aan ka soo horjeeday. Ma noqon karo mid qeyb ka ah arrintaas. Warsangeli waa walaalaheen, waa deriskeenna, dan baynu ka leennahay, daruufahuna waa inaga dhaxeeyaan. Uma qalmaan in aan nidhaahno annagaa idinka xulanayna,” ayuu yiri Garaad Jaamac.

