Guddiga shirweynaha dhameystirka SSC Khaatumo oo shaaciyay in shirku si rasmi ah u furmi doono Berri

0

Guddiga qaban-qaabada shirweynaha dhameystirka maamulka SSC ayaa caawa ku dhawaaqay in shirku si rasmi ah u furmi doono berri, inkastoo aysan weli caddayn in xal laga gaaray khilaafkii siyaasadeed ee shirkan hareeyay.

Shirka ayaa horey laba jeer u baaqday, kadib markii qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo musharraxiinta u taagan hoggaanka SSC-Khaatumo ay diideen qaabka loo wajahayo, iyagoo ku eedeeyay madaxweyne Firdhiye inuu shirkan ka leexiyay dariiqii saxda ahaa ee loogu talagalay.

Maanta, guddiga qaban-qaabada iyo wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda federaalka ah ayaa la kulmay dhinacyada ka soo horjeeda shirkan, iyagoo ka wada hadlay sidii uu shirku u furmi lahaa, waxaana la isla gartay in tabashooyinka lagu xallin doono gudaha shirka.

Wasiirka Warfaafinta ee SSC-Khaatumo, Najiib Barkhadle, ayaa maanta eedeyn u jeediyay dad uu ku tilmaamay “huwan”, isagoo ku eedeeyay inay wadaan qorshayaal lagu carqaladeynayo qabsoomidda shirweynaha.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here