Jurgen Klopp :- Xanuun ayuu Dareemay Xidiga Mamadou Sakho

0

Macalinka kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa cadeeyay in Mamadou Sakho uu doonayay in uu kulankii Finalka uu sii ciyaaro balse xanuun soo wajahay awgii garoonka looga saaray.

Xidiga heerka caalami ee xulka dalka France oo difaaca dhexe ka ciyaara ayay isku dhaceen xidiga Emre Can qeybtii Hore ee ciyaarta taasi oo keentay in uu xanuun badan uu dareemo xidiga oo dhanka Madax ah.

Kooxda Liverpool ayaa habeenkii xalay ahaa ku guuldareystay in ay ku guuleysato koobka Capital One Cup kadib markii guul kulaadyo ay kaga adkaatay kooxda Manchester City ciyaar ka dhacday Garoonka Wembley.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here