Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaliya oo Shir Deg Deg ah ka Yeeshtay Amniga Dalka

0

Golaha wasiirada Xukuumada Soomaliya ayaa habeenkii xalay ahaa  isugu yimid shir deg deg ah oo loogu hadlaayay dar-dargalinta amniga iyo sidii loogu hortagi lahaa qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  oo si deg deg ah kaga soo laabtay dalka Jabuuti ayaa shir gudoominaayay  kulanka  golaha Wasiirada ee xalay waxaana ka qayb galay taliyeyaasha ciidamada  booliska, Nabd sugida iyo sirddoonka Qaranka  waxaana warbixino laga dhageystay Laamaha amniga dalka.

Shirka Golaha wasiirada Xukuumada Soomaliya ayaa sidoo kale loogu hadlaayay qaraxyadii ka dhacay Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ee Gobolada Banaadir iyo baay.

Shirka golaha Wasiiradda ee xukumadda Soomaaliya oo qaatay saacado badan ayaa lagu go’aamiyey in   dowlada Soomaaliya ay qaadi doonto howlgal balaaran oo lagula dagaalamayo al-shabaab.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumada Soomaliya oo shirka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la isku raacay in la qaado Howlgal ka dhan ah al-shabaab iyo mid lagu badbaadinaayo Shacabka soomaliyeed.

Shirkaan Golaha wasiirada ay igu Yimaadeen uu shir Gudoominaayay Madaxweynaha Soomaliya Xasan shiikh Maxamuud ayaa kusoo beegamaya xili qaraxyo xoogan oo qasaaro dhimasho iyo dhaawac sababay ay ka dhaceen Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here