Madaxweynaha Soomaliya oo Xalay dib ugu soo Laabtay Magaalada Muqdisho

0

Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud ayaa habeenkii xalay ahaa si kedis ah  ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, iyadoo lagu waday inuu u amba baxo wadanka Sweden.

Madaxweynaha ayaa Labadii maalin aynu soo dhaafnay ku sugnaa Magaalada Djabuuti ee caasimada dalka jabuuti isagoo halkaas shalay kaga qeyb galay shirka Hogaamiyaasha ay ciidamada ka joogaan dalka soomaliya.

Madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud ayaa Magaalada Djibouti habeenkii xalay ahaa  ka soo raacay mid ka mid ah diyaaradaha Dowlada Mareykanka, xilli aanu shaqayn Garoonka Aadan Cadde, xilliyada habeenkii ah. Diyaaradaha rakaabka ah habeenkii kama soo deggi karaan Garoonka aadan si dhawaan la shaaciyay.

Mudane Xasan sheikh Maxamuud Madaxweynaha Soomaliya ayaa kulamo la qaatay Ha’ayada amniga qaabilsan kadib markii weeraro qaraxyo loo adeegsaday ay ka dhaceen dalka lix cisho uu ka maqnaan sida weerarkii qasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay Hoteel syl. ee Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud ayaa baajiyay safar uu ku tagi lahaa dalka Sweden, kadib markii uu casuumaad ka helay Raisulwasaaraha dalka Sweden Stefan Löfven.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here