Wararkii ugu dambeeyay Qaraxyadii ka Dhacay Magaalada Baydhabo +Sawiro

0

Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhimatay qaraxyadii ka dhacay Magaalada Baydhabo 30-ruux halka ay sidoo kale ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan oo dad shacab u badnaa.

Qaraxyadan oo mid ka mid ah uu fuliyay nin naftii hurre ahaa, halka midka kalana loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, ayaa waxaa lagu qarxiyay dad isaga casiriyeeynaayay maqaaxiyado ku yaala Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.

Dadka Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa dareen argagax badan leh  ka muujiyeen labadii qarax ee ka dhacay Magaalada iyagoo ilaa haatan aan ogeyn waxa keeni kara in qaraxyo lala eegto dad masaakiin ah.

Isbitaalka weyn ee Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay waxaa la geeyay qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxyada iyadoo dhaqaatirta isbitaalka ay la tacaalayaan xaaladaha bukaanada jiifa isbitaalka ee kusoo dhaawacmay qaraxyada.

Dhanka kale Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya ee ka arimiya Magaalada Baydhabo ayaa ilaa haatan aan ka hadlin qaraxyada ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Xarakada al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada qaraxyada ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Gobolka iyagoo tilmaamay in ay ku dileen qaar kamid ah odayaashii wax kasoo xulay xildhibaanada baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya.

145669417321aa7 145669416382a7e 145669409688ff5 145669409353b2e 145669409231ec8 14566941575ed8b 1456694177d94c0 1456694088f8b50 1456694168ac97e

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here