Ciidanka dowlada yeman iyo kooxaha kacdoonka shacabka ayaa hormar ka sameeyay dagaalada kasocda daafaha magaalada sanca ee dala yeman diyaaradaha xulufada yeman taageera ayaa duqeynka geystay magaalada nuqeyl bin galyaan oo ka tirsan gobalka niham ee yaman
Dadka deegaanka ayaa al-jazeera u sheegay in duqeyntaas ay ku dhinteen 3 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka xuutiyiinta ah kuwa sugnaa fariisimo ay ku lahaayeen magaaladas
Ciidmada is garabsanaya ayaa hormarkan sameeyay kadib dagaalo 3 maalin socday oo ay la galeyn maleeshiyaadka xuutiyiinta waxaana wakill wareedka al-jazeera ee ku sugan magaalada sanca uu sheegay in dagaaladaasi ay ku geeriyoodeyn 40 askari oo katirsan maleeshiyaadka xuutiyiinta iyo kuwa raacsan cali cabdalle salax iyadoona uu dhaawac soo gaaray tobanaan kale halka ciidanka dowlada ay uga dhinteen in ka badan 15 askari sida uu soo tabiyay wakiil wareedka al-jazeera ee sanca
Diyaaradaha dagaalka ee uu hogaamiyo sucuudiga ayaa sidoo kale duqeymo ka fuliyay magaalyin ay kamid tahay ticis oo koonfur bari dalka yeman ku taala ciidama is garabsanaya ayaa wada dhaqaaq ayku doonayaan inay kusoo afjaraan weerarda xuutiyiinta iyadoona ruushka uu shaaciyey inuu kusoo biirayo xulufada dagaalka kula jirta maleeshiyaadka xuutiyiint iyo ciidamo ka amar qaata kaligii taliyiihii cali cabdala saalax

