Shirka loogu Hadlaayo Amaanka Soomaliya oo Goordhaweyd ka Furmay dalka Jabuuti

0

Waxaa goordhaweyd Magaalada Jabuuti ka furmay shirka loogu hadlaayo amaanka Soomaliya, xoojinta Howgalka amisom iyo la dagaalanka al-shaabaab.

Shirka waxaa Furey Madaxweynaha dalkiisa lagu marti galinaayo ee Jabuuti Mudane ismaaciil Cumar Geele waxaana ka qeyb galaya Madaxweynayaasha Uganda,Kenya, iyo soomaliya uu matalo madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata ayaa subaxnimadii hore ee saakay ka duulay garoonka diyaaradaha Magaalada Nairobi ee dalka Kenya isagoona gaaray Magaalada Djabuuti ee caasimada dalka jabuuti.

Dhanka kale Madaxweynaha wadanka Uganda Yoweri Museveni ayaa kulanka ka qey galaya isaga iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa saacado ka hor gaaray Magaalada Djabuuti ee caasimada dalka Jabuuti.

Shirka waxaa ka maqan Madaxweynaha wadanka Brundi Pierre Nkurunziza oo sheegay in uusan ka qeyb gali karin  shirka madaama dalka brundi ay ka jiraan dagaalo u dhaxeeya dowlada Brundi iyo koox ka tirsan mucaaradka oo dooneysay la wareegitaanka xukunka madaxweynaha.

Waxaa diirada inta badan shirka lagu saarayaa amaanka Soomaliya, xoojinta Howgalka amisom iyo la dagaalanka al-shaabaab. Iyadoo sidoo kale qubbado halkaas laga jeedin doono inta uu shirka socdo.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here