Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo wareysi siiyay idaacada simba ayaa ka hadlay qaabka uu maamulka gobolka banaadir ula wareegay sugida amniga Magaalada Muqsiho.
Ugu horenyntii Maxamed Axmed Nuur Tarsan ayaa ku dhaliilay Laamaha amaanka Gobolka Banaadir In ay dayaceen amnigii Magaalada Muqdisho isla markaana waxba aysan soo kordhin doonin la wareegitaanka maamulka Gobolka Banaadir uu la wareegay sugida amniga Magaalada Muqdisho oo falal amni daro ay ka dhacaan.
Maxamed axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in Laamaha amaanka Gobolka Banaadir ay ku fashilmeen sugida amniga caasimada taasi badalkeeda ay doonayaan in eedeemaha dusha loo saaro Maamulka Gobolka Banaadir oo la shaaciyay in uu la wareegay amaanka caasimada.
“Gudoomiyaha Gobolka Banaadir waxaan ugu baaqayaa in uusan ogolaanin in maamulka Gobolka Banaadir uu la wareego sugida amniga caasimada oo horey ay ugu fashilmeen laamaha amniga ayuu yiri Tarsan.
Xalay ayay aheyd markii kulan ka dhacay Magaalada Muqdisho lagu shaaciyay in Maamulka Gobolka Banaadir uu la wareegay amaanka caasimada Muqsisho.

