Soomalida oo la Sheegay in Ay Yihiin kuwa dalkooda burburiya

0

Wakiilka ergayga gaarka ee  IGAD u qaabilsan Somaliya Maxamed Cabdi Afeey, ayaa si cad u sheegay in ciidamada ka socda Midowga Africa aysan dooneenin buruburka dalka soomaliya. ay soomalida yihiin kuwa burburiya dalkooda.

Maxamed Cabdi Afeey, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada ka socda wadamada dariska ay yihiin kuwa doonaya in dib loo soo celiyo nabadii soomaliya balse soomalida ay yihiin kuwa mar walba burburiya dalkooda.

Wakiilka ergayga gaarka ee  IGAD u qaabilsan Somaliya Maxamed Cabdi Afeey, waxa uu tusaale usoo qaatay in ciidamada qaranka soomaliyeed loo badalay kuwa qabiil ahaan u shaqeeya taasina ay cadeyn u tahay in soomalida ay yihiin kuwa burburiya dalkooda.

“Wax walba oo la sheego waxaa muhiim ah in daliil loo helo, Wadanka Somaliya waxaa burburiyay Somali, Dowladihii ku soo duulay ma aysan bur burin, ayuu yiri Wakiilka ergayga gaarka ee  IGAD u qaabilsan Somaliya Maxamed Cabdi Afeey.

Marka laga soo tago hadalka Wakiilka ergayga gaarka ee  IGAD u qaabilsan Somaliya Maxamed Cabdi Afeey  Dadka siyaasada falanqeeya ayaa aaminsan in ciidamada ka socda wadamada dariska ay yihiin kuwa dalka soomaliya qeyb ka burburinaya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here