Waxaa xabsiga dalka mareykanka ee lagu xiro dadka loo heesto dambiyada argagaxisada ee Guantanamo bay laga sii daayey Ibraahim xamid Qosi oo kasoo dagaalay soomaaliya.
Ibraahim ayaa sidoo kale ahaa wardiyihii iyo darawalkii qaaska ee hugaamiyii Alqaacida Ee geeriyooday sheikh usaama bin laadin.
Ibraahim qosi ayaa lasoo qabtay sanadkii 2001-dii xiligaasi oo ay soo qabteen ciidanka pakistaan , waxaana horaantii 1990-kii uu kasoo dagaalay soomaaliya xili uu Al-qaacida la shaqeenayey.
Xabsiga Guantanamo bay oo ku yaalo dalka cuba ayaa waxaa ku jira in ka badan 90 maxbuus oo ku eedeysan argagaxiso. iyo in ay xiriir la leeyihiin kooxaha islaamiyiinta caalamka.
Madaxweynaha dalka mareykanka Brack Obama ayaa sheegay in la xiri doono xabsigaasi Guantanamo bay ee dalka cuba maadaama mareykanka lagu dacaayadeeyey in xabsigaasi ay ka sameeyeen xad gudubyo dhanka aadanaha ah.

